Kaararka iyo qarash bixinta

Waxaan bixinaa kaadhadhka daynta leh iyo kuwa bilaa daynta ah labadaba. Hadaad rabto inaad waxbadan ka ogaato kaadhadhkayaga kala duwan, fadlan wac Xarunta Adeegyada Macaamiisha +46 (0) 771-22 11 22 ama booqo xafiiska laanta deegaankaaga. 

Bankkort Mastercard och Kreditkort

Haddaad kaar amaah wax ku iibsato, dhammaan waxyaabaha aad soo iibsatay waxay ka muuqan doonaan qaansheegad-bileedka. Adiga ayaa go’aansan kara haddaad dooneyso inaad lacagta oo dhan markiiba si toos ah u bixiso ama inaad qaybqayb si tartiibtartiib ah u bixiso. Haddaad kaar bangi wax ku iibsato, lacagtu akoonkaaga ayay ka baxaysaa.

Kaadhadhkayagu waxaa ku jira caymisyo dhowr ah iyo adeegyo kale oo kuu mihiim ah, ma ahan Sweden oo keliya laakiin sidoo kale dibedda.

Kaadhkaaga ilaali

  • Haddii kaarkaagu kaa lumo, isla markiiba xidh adiga oo wacaya +46 (8) -411 10 11.

  • Waligaa kaadhkaaga iyo koodhkaaga isku meel haku kaydin.

  • Weligaa ha siinin faahfaahinta kaadhkaaga ama lambarradaada cid kale.

  • Xusuusnow in kaadhkaagu uu qiimo leeyahay. Waa muhiim inaad si fiican u ilaaliso.

Lacag-bixino

Xalkayaga lacag bixinta ayaa ka dhigaysa lacag-bixinadaada maalinlaha ah kuwo fudud. Bixi biilashaada oo aad lacag ku hesho koontadaada bangiga.

Xallinta baahiyahaaga lacag bixinta maalinlaha ah

Biil bixin

Ku bixi biilka si dhaqso leh oo fudud, hal mar ah ama si caadi ah adigoo isticmaalaya baankayaga ama aalada onleenka ah.

Lacag bixinta caalamiga ah

Ku dir ama hel lacag bixinno aamin ah adigoo isticmaalaya bangigayada onleen ah.

Bangiga Swish sidaan ayuu u shaqeeyaa

Swish waa adeeg lacag lagu diri karo ama lagu heli karo adigoo isticmaalyo moobiilkaaga. Swish wuxuu ku shaqeeyaa Android, iOS, Windows Phone 8 iyo laabtoobada taageera aaladda Mobile BankID. Waxaa lagaa doonayaa inaad haysato Mobile BankID si aad lacag ugu bixisid Swish.

Sida loo helo Swish:

  1. Swish ka dalbo bangiga internetka ama app-ka.
  2. U soo dejiso Swish betalningar iyo BankID säkerhetsapp moobelkaaga gacanta ama laabtoobkaaga.
Swish Slide 1